Advertisements
Wararka

Washington oo Ankara uga digtay soo iibsashada gantaalada Ruushka S-400 ee difaaca…


Washington ayaa uga digtay xukuumadda Ankara inaysan suurtagal aheyn in gantaallada Ruushka ee S-400 ee tiknoolijiga ku shaqeeya iyo diyaaradaha Mareykanka uu soo saaro ee F-35 ee ay horay uga iibiyeen Turkiga aysan hal meel isla gali karin, sababo la xiriira khatar ku imaan karta nidaamka difaaca dalalka reer Galbeedka.

Mareykanka wuxuu sheegay inuu hakin doono heshiiska uu Turkiga uga iibinayo ilaa iyo 100 diyaaradood oo ah nuuca F-35 ee dagaalka, isla markaana uu kusoo rogi doono cunaqabateyn, haddii aysan ka baaqsan qorshaha ay Ruushka uga soo iibsanayaan gantaallada S-400.

Turkiga ayaa sheegay in aysan ka laaban doonin go’aanka ay Ruushka uga soo iibsanayaan gantaalka casriga ah ee S-400, xittaa haddii uu Mareykanka kusoo rogo cuna-qabateyn.

Madaxweyne ku xigeenka Turkiga Fuat Oktay, ayaa maanta sheegay in aysan ka laaban doonin heshiiska ay Ruushka uga soo iibsanayaan gantaallada lidka diyaaradaha ee S-400, kuwaas oo lagu wado in Turkiga la geeyo ugu danbeyn bisha July.

Turkiga iyo Mareykanka oo ah laba waddan oo ka wada tirsan isbaheysiga NATO, ayaa sannadihi dhawaa uu xiriirkoodu sii xumaanayay, waxayna hadda aad ugu kala fogyihiin dagaallada Suuriya iyo xiisado kale oo ka jirta dalalka caalamka qaarkood.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7382 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: