Advertisements
Wararka

Hay’ada NISA oo soo bandhigtay sawirada saraakiil la sheegay in ay ka soo goosteen al-Shabaab…


Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa soo bandhigtay sawirrada labo sarkaal oo la sheegay inay ka soo goosteen ururka al-Shabaab.

Labada sarkaal ee la soo bandhigay ayaa la sheegay inay toddobaadyadii la soo dhaafay isku soo dhiibeen ciidammada dowladda,iyadoo war ay baahisay NISA lagu sheegay in 9 sarkaal ay toddobaadyadii la soo dhaafay iska soo dhiibay gobolka Gedo.

Xubnaha ka tirsan al-Shabaab lama soo bandhigin magacyadooda , balse waxaa la sheegay inay al-Shabaab u qaabilsanaayeen Maktabka Dacwada (Propagan-dada) iyo Maktabka Fursaanul Xizbiga.

Dowladda ayaa toddobaadyadii u dambeeyay sheegtay in xubno ka tirsan al-Shabaab ay iska dhiibeen magaalooyinka Baardheere, Garbahaarey iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Gedo, iyadoo xubnahaas diyaaraddo lagu keeno magaalada Muqdisho oo ay la wareegtay taliska NISA.

Ururka al-Shabaab kama aysan hadlin saraakiisha iyo xubnaha kale ee ay dowladda soo bandhigtay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6528 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: