Advertisements
Wararka

Imaaraadka Carabta oo sheegtay in ay sii deysay doon ay leedahay dowlada Qatar oo ku…


Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in ay sii deysay doon ay leeyihiin milatariga Qatar oo ay sheegtay in ay ku soo xadgudubtay xad badeedka dalkeeda todobaadkii la soo dhaafay.

War saxaafadeed ka soo baxay wasaarada arimaha dibeda Imaaraadka ayaa lagu sheegay Isniinta in doontan ay saarnaayeen afar Qof.

Wasaarada ayaa intaa raacisay in afartaan sargaal laba ka mid ah ay u dhasheen Qatar halka labada kale asal ahaan ay ka soo kala jeedaan dalalka Hindiya iyo Falastiin.

Dhanka kale wasaarada arimaha dibeda Qatar ayaa xaqiijisay in doonta iyo askarta saarneyd ay si nabad ah dalkeeda ay ugu soo laabteen.

Qatar ayaa sheegtay in cilad dhanka farsamada ah ay ku timid Arintaan.

Labadan dal ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir aan wanaagsaneyn kadib markii ay soo shaac baxday sanadkii 2017-in Sacuudiga iyo Imaaraadka ay qorsheeyeen afganbi fashil ku yimid oo ay la damceen maamulka Qatar.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6528 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: