Advertisements
Wararka

Muslimiinta Myanmar oo wajahaya cunto yari baahsan iyadoo lagu jiro bisha Ramadan…


Shacabka ku nool tuulooyinka ku yaal gobolka Rakhine ee dalka Myanmar ayaa wajahaya cunto yari baahsan iyadoo lagu gudo jiro bisha Ramadan.

Milatariga Myanmar ayaa mudo todobaad ah cuno qabateyn ku haya tuulada Kyauk Tan ee magaalada Rathedaung.

Qaar ka mid ah dadkaan oo la hadlay wakaalada wararka ee AFP ayaa ka codsaday wadamada caalamka in ay ka caawiyaan sidii looga samata bixin lahaa khatarta Heysata.

30-kii bishii hore ee April ayaa ciidan ka tirsan milatariga Myanmar waxay ku xoomeen tuuladan iyaga oo xirxiray 275 nin oo ka soo jeeda qowmiyada Rohingya.

Milatariga ayaa dhanka kale toogtay maalintii isniinta lix ka mid ahaa maxaabiista halka 8 kalena ay dhaawaceen.

Afhayeenka milatariga Myanmar Zaw Min Tun ayaa sheegay in ragga la toogtay ay isku dayayeen in ay weeraraan ciidanka Amniga.

Mr Zaw ayaa intaa raaciyay in ka badan 48 maxbuus la sii daayay,halka inta kale ay ku hayaan iskuul ku yaal Rakhine.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7382 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: