Advertisements
Wararka

Shiinaha oo diiday dalabka Mareykanka ee lagu joojinayo iibsashada shidaalka Iiraan…


Dowlada Shiinaha ayaa aad ugu riyaaqday heshiiskii ay wadamada quwadaha ay la galeen dalka Iiraan sanadkii 2015-kii oo hada laga joogo mudo afar sano.

Dowlada Mareykanka oo ka mid aheyd wadamadii saxiixay heshiiskaan kadib amar ka soo baxay madaxweyne Donald Trump uu daaqada uga tuuray bishii November ee sanadkii hore.

Afhayeenka wasaarada arimaha dibeda Shiinaha Shuang ayaa tilmaamay in cadaadiska Mareykanka uu ku hayo Iiraan ay tahay mid aan cadaalad aheyn lagana qoomameyn Doono.

Dhanka kale dowlada Shiinaha ayaa ka soo horjeesatay dalabka Mareykanka oo ahaa in ay joojiso shidaalka ay ka Iibsato Iiraan.

Mr Shuang ayaa intaa raaciyay in shiinaha uu sii wadi doono xoojinta xiriirka uu la leeyahay xukuumada Tehraan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6528 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: