Advertisements
Wararka

Xiddiga kooxda Ajax Hakim Ziyech oo kooxaha waaweyn ee yurub isku heystaan…


Xiddiga kooxda Ajax Amsterdam Hakim Ziyech ayaa ka mid noqday laacibiinta aadka loo doonayo marka uu furmo suuqa kala iibsiga xagaaga soo socda, warar saxaafadeed oo badan ayaa muujinaya damaca kooxaha waaweyn ee kubada cagta Yurub ay ka qabaan laacibkaasi inuu ka mid noqdo kooxahooda, waxaa ka mid ah Bayern Munich, Inter Milan, Liverpool iyo Real Madrid.

Wargeyska Daily Mail ee Ingriiska ayaa sheegay in tababaraha kooxda Madrid Zinedine Zidane uu ku daray laacibiinta uu shiishka ku hayo Ziyech oo 26 jir ah si uu uga mid noqdo kooxda, Real Madrid ayaa la filayaa in isbedel weyn dhinaca ciyaartooyda lagu sameeyo kadib markii ay la kulantay guuldarooyin isdaba joog ahaa horyaalka Spain, waxay sanadkan ku guuleysteen oo keliya hal koob.

Xiddiga reer Morocco ayaa ka muujiyey dadaal gudaha kooxdiisa, taasi oo hal lug la gashay finalka Champions League kadib markii ay ka soo badisay kooxda Tottenham ee Ingriiska, horeyna u soo dardartay kooxaha Real Madrid iyo Juventus, iyadoo kooxda Axadii ku guuleysatay koobka Holland.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7382 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: