Advertisements
Wararka

Iran oo sheegtay inay ka baxday qeybo ka mid ah heshiiskii xakameynta hubka nukliyeerka…


Dowladda Iran ayaa shaaca ka qaaday in ay isaga baxday qeybo ka mid ah heshiiskii xakameynta hubka nukliyeerka ee ay la gashay dowladaha reer Yurub iyo Mareykanka sannadkii 2015-ka.

Heshiiskan oo maamulka Mareykanka ee Trump uu dib uga laabtay sannad ka hor ayaa waxaa xilligaasi Mareykanka u saxiixay madaxweynihii hore ee dalkaasi Barack Obama, waxaana uu ahaa mid ay kula jireen shanta wadan ee awoodda leh.

Iran ayaa sheegtay in ay joojineyso iibinta keydkeeda aaladda bacriminta nukliyeerka ee loo yaqaan uranium, sida uu dhigayay heshiiskii la wada galay sannadkii 2015, waxaana ay intaa raacisay in muddo 60 maalmood kaddib ay dib u bilaabeyso bacriminta aaladda uranium-ta, haddii aan heshiis lagala gelin arrintaasi.

Heshiiskii la wada galay sannadkii 2015-ka ayaa waxaa ay Iran ku badalatay baabi’inta sameysiga hubka nukliyeerka in laga qaado cunaqabateynada caalamiga ah ee saarnaa, balse waxaa heshiiskaasi cagta mariyay madaxweynaha iminka talada Mareykanka haya ee Donald Trump.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6528 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: