Advertisements
Wararka

Doorashadii ay ku tartamayeen xisbiyada siyaasada Koonfur Afrika oo la soo gebagebeeyey…


Waxaa xalay la soo gebagebeeyay doorashadii Madaxtinimo ee ka socotay dalka Koonfur Afrika, kaasoo ay ku tatamayeen hoggaanka Xisbiyada Siyaasadeed ee dalkaasi ka jira.

Saddexda Xisbi ee kala ah Xisbiga talada haya ANC, Xisbiga D.A iyo Xisbiga saddexdii sano ee u danbeysay ololaha balaaran waday ee E.F ayaa ugu cad cadaa kuwa loolamayay ee loo saadaalinayo in midkood uu ku guuleysan doono doorashada madaxtinimo, waxaana natiijada la filayaa in lagu dhawaaqo maalinimada Sabtida ah.

Sagaalka gobol ee Koofur Afrika ayay doorashada si isku mid ah uga socotay, waxaana sanaadiiqda codadka la dhigay meelaha ay bulshada ku badan tahay sida Isbitaalada, Iskuulada, Jaamacadaha iyo xarumo kale, iyadoo ugu dnabeyn xalay la soo xiray dhamaan goobihii cod bixinta.

Dadka codadka dhiibanayay ayaa ahaa kuwo muddo ku siman Lix bilood ka hor isu diiwaan geliyay codeynta, iyadoo shalay fasax ay wada aahayeen Shacabka maadaama ay u eheyd maalin ay soo dooranayeen qofkii hoggaamin lahaa wadanka.

Soomaalida ayaa la sheegay in sanadkan ay markii ugu badnaa ee codeynta ka qeyb qaataan, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in inta badan Soomaalidii codadka dhiibatay ay taageerayeen Xisbiga Sanadihii u dambeeyay talada hayay ee A.N.C.

Si kastaba, waxey noqoneysaa 25 sano kadib markii u horeysay oo doorasho tan lamid ah ay ka dhacdo wadanka, iyadoo shacabka Koonfur Afrika ay soo xasuusteen doorashadii uu ku guuleystay sanadkii 1994 Nelson Mandela.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6528 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: