Advertisements
Wararka

Dowlada Ruushka oo dalkeeda ka ceyrisay labo diblumaasi oo u dhashay Sweden…


Dowlada Ruushka ayaa dalkeeda ka ceyrisay laba diblumaasi oo u dhashay Sweden kadib markii xukuumada Stockholm ay diiday in Visaha ay u cusbooneysiiso Saraakiisha Ruushka.

Afhayeenka wasaarada Arimaha dibeda Sweden Sofia Nahringbauer ayaa sheegtay in dalkeeda uu si rasmi ah u diiday in Visaha dal ku jooga ah uu u kordhiyo diblumaasiyiinta Ruushka u jooga Sweden.

Ruushka oo ka jawaabaya arintaan ayaa dalkiisa ka ceyriyay laba diblumaasi oo Sweden u joogay magaalada Moscow.

Ms Nahringbauer ayaa diiday in ay jawaab ka bixiso in dowlada Sweden ay wax talaabo ah qaadi doonto iyo Inkale.

Dhanka kale afhayeenka wasaarada arimaha dibeda Ruushka Maria Zakharova oo warbaahinta kula hadashay Moscow  ayaa talaabada ay qaadeen ku sheegtay in ay la xiriirto diidmada ka timid Sweden.

Dhacdooyinkaan ayaa imaanaya iyadoo labada dal midba midka kale uu ku tuhmayo in uu Basaasayo.

Bishii Janaayo ayaa laamaha amniga Sweden waxay ku xireen magaalada Stockholm la taliye dhanka technology-da oo u dhashay dalkooda xilli uu casho la qaadanayay diblumaasiyiinta Ruushka.

Sweden ayaa ku eedeysay in Ruushka uu u tababaray muwaadiniinta Sweden in falal basaasnimo ah uu u Adeegsado.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7159 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: