Advertisements
Wararka

Kooxda Tottenham oo si cajiib ah ugu soo baxday finalka koobka Champions League…


Kooxda kubada cagta ee Tottenham ayaa ka ciribtirtay kooxda Ajax in ay u gudubto wareega finalka ee koobka kooxaha horyaalada Yurub ee Champions Leagua kadib ciyaar xiiso badan oo ka dhacday garoonka kooxda Ajax ee Johan Cruijff Arena.

Kooxda reer London oo sadaal la bixiyay u muuqatay in natiijo wanaagsan aysan ka heli doonin garoonka Ajax ayaa markii ay ciyaarta bilaabatay waxaa daqiiqadii 5-aad gool ka dhaliyay cayaaryahanka lagu magacaabo M. de Ligt.

Daqiiqadii 35-aad ayaa kooxda Ingariiska ka socota xaajada ku xumaatay kadib markii goolkii 2-aad uu ka dhaliyay xidiga Ajax H. Ziyech.

Labada kooxood ayaa ku kala nastay 2-0 oo kooxda Ajax hogaanka ku heyso.

Qeybtii labaad ayaa markii la isku soo laabtay kooxda Tottenham waxay la timid gool waxaana daqiiqadii 59-aad u dhaliyay laacibkooda Lucas Moura.

Arintaan ayaa waxay niyada ku soo celisay ciyaariyahanada martida ahaa waxaana daqiiqadii 76-aad goolka barbar dhaca u dhaliyay Lucas Moura.

Cadaadiska lagu hayo kooxda Ajax saaran ayaa kordhay waxaana daqiiqadii 95-aad goolkiisii sadaxaad dhaliyay isla Lucas Moura.

Isku cel celin ahaan labadii kulan oo labada koox ay cayaareen ayaa noqday 3-3.

Balse Tottenham ayaa ku soo baxday sharciga goolka martida ee koobka horyaalada kooxaha Yurub.

Si kastaba ha ahaatee kooxda reer London ayaa kulanka kama dambeysta la ciyaari doonta kooxda Liverpool oo ka talaabsatay kooxda Barcelona.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6528 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: