Advertisements
Wararka

Xoogag al-Shabaab ka tirsan oo xalay weerar culus ku qaaday deegaanka Bariire ee Sh/Hoose…


Xoogagga Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in xalay weerar culus oo dhowr jiho ah ku qaadeen deegaanka Bariire ee ka tirsan degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose oo maalmo ka hor ay la wareegeen ciidamada Soomaaliya.

Saraakiisha dowladda ayaa sheegay in weerarkaasi ahaa isku day Al-shabaab ay ku doonayeen in ay dib ula wareegaan deegaanka hasse ahaatee iska cabin weyn kala kulmeen ciidamada DANAB ee gacanta ku haya halka lagu dagaalamay.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in labada dhinac ay xalay saqdii dhexe isu adeegsadeen madaafiic culus.

Deegaanka Bariire ayaa dhowr jeer oo hore waxaa gacan ku heyntiisa isku badbadalay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dagaalamayaasha Al-shabaab, waana halka ugu badan oo ay ku dagaalamaan labada dhinac

Wararkii ugu dambeeyey ee saakay naga soo gaaraya deegaanka Bariire ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamada Dowladda ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay ku baadi goobayaan xubnaha ka tirsan Al-shabaab ee xalay weerarka ku soo qaaday.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6528 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: