Advertisements
Wararka

Dooni ka baxday xeebaha Tunisia oo waday muhaajiriin ayaa ku degtay badda Mediterranean…


Dooni waday muhaajiriin badan oo ka baxday xeebaha Tunisia ayaa ku degtay xeebaha Mediterranean ka iyadoo laga cabsi qabo dhimashada 50 qof,sida laga soo xigtay hey’ada Qaramada Midoobay u qabilsan dhanka Socdaalka.

Saraakiil u hadashay (IOM) ayaa xaqiijiyay in tirada dhimashadan ay ka dhigan tahay tii ugu badneyd ee sanadkaan ka dhacda xeebaha u dhaxeeya dalalka waqooyiga Afrika iyo Talyaaniga.

Mid ka mid ah hey’adaha u dooda xuquuqda qaxootiga ayaa barteeda Twitter-ka ku soo qortay in 16 qof ay ka badbaadeen Mashaqadaan.

Inkasta oo wali uu socda baadi goobka loogu jiro raqda iyo ruuxda muhaajiriintan ay doonida kula degtay badda Mediterranean ka ayaa hadane waxaa la helay meydka afar qof oo saarnaa Doonidaan.

Muhaajiriinta qaarada Afrika ayaa sanad waliba safar qar iska tuur ah sameeya si ay u gaaraan dalalka qaarada Yurub iyaga oo raadinaya nolol dhaanta mida Dalalkooda.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6528 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: