Advertisements
Wararka

Dowlada Somalia oo ka hadashay go’aanka dowlada Kenya ay ku joojisay duulimaadyada…


Dowlada Somalia ayaa ka hadashay go,aankii dowlada Kenya ay ku joojisay duulimaadyadii diyaaradaha Rakaabka ee tooska u tagi jiray magaalada caasimada ah ee Nairobi ee dalka Kenya oo la joojiyay.

Wasiirka duulista hawada dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar oo ka hadlay arintaan ayaa waxaa uu sheegay in baaritaan ay ku sameyn doonaan Sababaha dhaliyay Arintaan.

Mr Oomaar ayaa intaa raaciyay in ay kala hadli doonaan madaxda dalka Kenya sababta Keentay in diyaaradaha tooska ah ee la joojiyay.

Si kastaba ha ahaatee duulimaadyada rakaabka ayaa hada mari doona garoonka diyaaradaha ee magaalada wajeer ee gobolka waqooyi Bari Kenya.

Talaabadaan ayaa dhib ku noqon doonta dad badan oo isaga kala goosha safar muqdisho ilaa Nairobi waxaana saacado baaritaan ah ay ku mari doonaan magaalada Wajer.

Lama oga ilaa iyo hada sababta ka danbeysa in Kenya ay dib uga noqoto heshiiskaan oo horay ay u wada galeen xukuumada Fedaraalka Soomaaliya.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6528 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: