Advertisements
Wararka

Kooxaha kubbada cagta Ingariiska oo far muuqata ka noqday tartamada ciyaaraha Yurub…


Kooxaha kubbada cagta ee Ingariiska ayaa hogaanka u qabtay tartamada Yurub kadib markii Chelsea iyo Arsenal u soo baxeen finalka Uefa Europa League iyagoo daba socda kooxaha Liverpool iyo Tottenham oo iyaguna u soo baxay finalka Champions League.

Waxay noqoneysaa markii ugu horeysay ee afar kooxood oo Ingiriis ah ay ciyaari doonaan labada kulan ee ugu danbeeya tartamada Yurub oo qiimaha badan.

Chelsea iyo Arsenal ayaa u soo baxay Finalka Koobka Yurub ka dib markii ay garaaceen Eintracht Frankfurt iyo Valencia.

Labada kooxood ayaa ku kulmi doona finalka April 29-keeda magaalada caasimadda ah ee Baku ee Azerbaijan, sidoo kale maalmo ka dib waxay isku arki doonaan Liverpool iyo Tottenham Hotspur finalkii Champions League caasimada Spain ee Madrid.

Chelsea ayaa ku garaacday Eintracht Frankfurt rigoore ama gool ku laad 4-3 ka dib markii Eden Hazard uu u dhaliyay goolka guusha.

Laacibiinta Arsenal.jpg

Kulankii labaad ee u dhaxeeyay Arsenal iyo Valencia Khamiistii ayaa weeraryahanka Pierre Emerick Aubameyang uu kooxdiisa u gudbiyey finalka koobka asaga oo seddax gool u dhaliyey kooxdiisa, taasoo soo afjartay rajadii kooxda Valencia iyada oo 4-2 kaga badisay Valencia.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6528 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: