Advertisements
Wararka

Maxaa ku koobay masiirka Somalia sideed nin oo ka soo kala jeeda seddax beelood?…


Sida aan ka wada dheregsan nahay waxaa Garoowe ku shirsan madaxda dowlada iyo Madaxda maamul goboleedyada dalka oo lagu daray Ra’isul wasaaraha.

Waxay halkaasi u fadhiyaan masiirka 15 milyan oo Soomaali ah halkii loo dhaqaajin lahaa waqtiyada soo socda iyagoo isku khilaafsan arrimahooda shaqsiyadeed iyo tan guudba si qolo walba u jiidato hanaanka una hesho qeybtii ugu badneyd iyo qof walba oo iyaga ka mid ah sidii ugu soo noqon lahaa kursigiisa doorashooyinka kala horeeya ilaa 2021.

Waddan sidan u burburay oo aan waxba la isu ogoleyn oon la joogin waqtigii halka qof xukumi jiray oo la is fiirsanayo ayaa waxay keeneysa in loo dad badsado xalinta khilaafaadka iyo hanaanka dalka looga gudbinayo marxaladan khatarta ah, waxay kaloo kor u qaadeysa kalsoonida ay dadku ku qabi karaan waxyaabaha ka soo baxa shirkaasi.

Hadaba Si cadaalad loo helo waxaa habboon sidii horeyba loogu heshiyey in wax walba lagu qeybsado shan beelood in ay shantaasi ku dhan yihiin jikada lagu karinayo masiirka ummada, haddii la rabo is daba heysadkaan iyo cadaalad darada in laga baxo, waayo raggaasi meesha fadhiya waxay matalaan beelahooda iyo danahooda.

Waxaa kaloo habboon in min hal qof loogu daro Ururada Bulshada halka xubinta ururada noqoneyso haweenay oo matalaad u ah Ururada Bulshada iyo hal qof oo matala axsaabta mucaaradka ah, ileen dalkan dadka oo dhan ayuu ka dhaxeeyaa.

Dalkan cadaalad daro ayuu u burburay yaan dib loogu celinin rafaadkii la soo maray.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7382 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: