Advertisements
Wararka

Qatar oo ku baaqday in xanibaada laga qaado muwaadiniinteeda gudanaya waajibaadka…


Dowlada Qatar ayaa ugu baaqday Xukuumada Sacuudiga in ay xanibaada ka qaado muwaadiniinteeda si ay u soo gutaan waajibaadka Xajka.

Wasaarada diinta iyo awqaafta ee dalka Qatar ayaa war saxaafadeed ka soo baxay Khamiistii shalay waxaa looga codsaday in Sacuudiga uu u ogolaado Xujeyda reer Qatar ee Rajeynaya in ay soo gutaan mid ka mid ah waajibaadka Diiniga.

Dowlada Qatar ayaa intaa ku dartay safarkaan uu waajib yahay si la mid ah dadka kale ee ka imaanaya wadamada dunida ee Xajinaya.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa dhanka kale loogu baaqay in ay joojiso heyb sooca ay ku heyso shacabka Qatar.

Labadan dal ee dariska ah ayaa waxaa dhexmaray qilaaf dhanka diblumaasiyada ah sanadkii 2017-dii.

Xukuumada Doha ayaa dhanka kale dalbatay in Sacuudiga uu u ogolaato muwaadiniinta Qatar in ee ku nool magaalada Makka iyo Madiina in ay is diiwaan galiyaan si ay uga qeyb qaataan acmaasha Cumrada iyo Xajka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7159 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: