Advertisements
Wararka

Imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare oo maanta si rasmi ah uga furmaya Mogadishu iyo…


Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa maanta si rasmi u furaysa Imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiga Sare oo ka billaabanaya caasimadda Muqdisho iyo deegaannada dowlad-gobolleedyada qaar.

31,500 oo arday ayaa la xaqiijiyay in ay u fariisinayaan Imtixaankaasi,taasi oo ah tiradii ay horey u shaacisay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, iyadoo 71 goobood oo ku yaalla caasimadda Muqdisho iyo 34 goobood oo ku yaalla deegaannada dowlad-gobolleedyada lagu qaadayo Imtixaanka, sida laga soo xigtay wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamuud Maxamed(Jaabir).

Ammaanka goobaha imtixaankaasi lagu qabanayo ee magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee gobollada dalka ayaa la adkeeyey, iyadoo loo xilsaaray ciidammo boolis ah, si ay ula socdaan habsami u socodka imtixaanka shahaadiga ah.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6528 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: