Advertisements
Wararka

Qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada oo ka dhoofay magaalada Garowe…


Waxaa fashil kusoo dhamaaday shirkii wadatashiga Qaran ee madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada oo lixdii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday magaalada Garowe.

Shirka ayaa noqday mid ay isku mari waayeen madaxda dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada, waxaana qodobada qaar ee shirka noqdeen kuwa aan lagu heshiin oo aragti duwanaasho weyn ka timid.

Magaalada Garowe oo maalmihii lasoo dhaafay mashquul aheyd ayna joogeen madaxda dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa hada u muuqata mid boorsooyinka laga xir xiranayo.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa gaaray magaalada Kismaayo halkaasi oo ka sheegay in shirkii Garow uu burburay kana burburay dhinaca dowlada Federaalka.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo wafdigii la socday ayaa ka dhoofay magaalada Garowe iyagoo ku sii jeeda magaalada Nairobi dalka Kenya, waxa uuna Xaaf mar uu wariyaasha la hadlay sheegay in uu bur buray shirkii ka socday Garowe.

Dhinaca kale magaalada Garowe waxaa gaaray diyaarado kale oo la filayo in halkaasi ka qaadaan qaar kamid ah Madaxdii shirka ka qeyb galeysay, waxaana la filayaa in madaxda dowlada iyo kuwa maamulada kale iyana kasoo tagaan Garowe

Waxaana shirka oo marar badan lagu kala kacay ugu dambeyn noqday mid fashil kusoo dhamaaday laguna kala tagay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6528 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: