Advertisements
Wararka

Talyaaniga oo gacanta ku dhigay markab ka soo badbaadiyey muhaajiriin xeebaha Libya…


Talyaaniga ayaa gacanta ku dhigay markab lagu magacaabo Mare Jonio kaasi oo dad muhaajiriin ah ka soo badbaadiyay xeebaha u dhaxeeya Libya iyo Talyaaniga.

Markabkaan ayaa markii uu ka shiraacday xeebta Libya isaga oo socday qadar 64 kiilo mitir waxaa uu arkay dooni ay saarnaayeen dad muhaajiriin ah oo tiradoodu gaareyso 30 Qof.

Maso Notarianni oo ka mid ah shaqaalaha markaabkaan ayaa warbaahinta u sheegay in doonida muhaajiriinta ay qarka u saarneyd in ay quusto maadaama Matoorka uu ka Halaabay.

Mare Jonio oo ah markab ay leedahay hey’ad samafal oo laga leeyahay Talyaaniga ayaa isla durbadiiba la xiriirtay ciidanka badda Talyaaniga, balse waxaa loo sheegay in uu waco ciidanka xeebaha Libya.

Balse Maso Notarianni ayaa sheegay in ku laabashada dal ay colaadi ka jirto, sidoo kalena aan laga ixtiraamin xuquuqda bani aadamka aysan caqli gal aheyn in lagu celiyo dad Qaxooti ah.

Markabka Mare Jonio oo waday qaxootigaan ayaa aroornimadii Jimcaha isaga oo wada dadkaan waxuu gaaray Jasiirada Lampedusa,waxaana dadka saarnaa ka mid ahaa laba haween oo Uur ah iyo 5 cunug oo mid ka mid ah uu jiro hal Sano.

Ciidanka Talyaaniga ayaa durbadiiba gacanta ku dhigay shaqaalihii saarnaa markabka oo lagu eedeeyay in ay taageero u fidiyeen dad qaab sharci daro ah ku Socda.

Wasiirka arimaha gudaha Talyaaniga Matteo Salvini, ayaa barta uu ku leeyahay Twitter-ka soo dhigay in la baari doono Markabkaan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7159 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: