Advertisements
Wararka

Xisbiga haya talada dalka Koonfur Afrika ANC oo ku guuleystay aqlabiyada codoka la dhiibtay…


Xisbiga haya talada dalka Koonfur Afrika ee (ANC) ayaa ku guuleestay aqlabiyada codadka la dhiibtay doorashada baarlamaaniga oo waxay heleen 57.5 Boqolkiiba.

Guusha ay gaareen sabtida maanta ah ayaa waxay ka dhigan tahay in markii lixaad oo xiriir ah uu hanto kuraasta baarlamaaniga ah xisbiga ANC.

Balse tani ayaa ka dhigan natiijadii ugu hooseysay oo ay helaan mudo 25 sano ah oo xisbiga maamulayo dalka koonfur Afrika.

Taageerayaasha xisbiga ayaa soo dhaweeyay guushaan.

Dhanka kale doorashada baarlamaaniga ee Koonfur Afrika ayaa ku soo aadeysa iyadoo ay sii kordheyso shaqa la’aanta heysata dhalinyarada iyo musuq maasuqa ka jira Dalkaan.

Madaxweyne Cyril Ramaphosa oo badalay hogaamiyihii hore ee talada hayay Jacob Zuma oo sanadkii la soo dhaafay xilka looga tuuray sababo musuq maasuq ayaa wajahaya isbadal la xiriira wax ka qabashada Arintaan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7159 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: