Advertisements
Wararka

Xuutiyiinta Yemen ayaa ka bixi doona Xudeydah, Saleef iyo Raas Ciisa afarta maalin ee soo…


Mucaaradka Xuutiyiinta Yemen ayaa ka bixi doona si keligooda ah sadex dekadooda dalka Yemen si hore loogu sii wado wadahadalada Nabada ee dalka Yemen, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Gudiga Qaramada Midoobay ee wadahadalada Nabada ee lagu abuuray Sweden ayaa sheegay in magaalooyinka Hudeydah, Saleef iyo Raas ciisa la baneyn doono afarta maalin ee soo socota oo laga bilaabo maanta oo Sabti ah.

War saxaafadeed ka soo baxay gudigaan ayaa lagu sheegay in ciidanka ka baxaya aagagaan difaaca ay qeyb ka tahay fulinta heshiiska ugu horeeyay ee horay loo Gaaray.

Dalka Yemen ayaa waxaa la sheegay in ay ku dhinteen 10 kun oo qof afartii sano ee la soo dhaafay,waxaana intaa dheer in abaaro baahsan iyo cuduro ay ka jirto Dalkaas.

Qaramada Midoobay ayaa dhanka kale la socon doonto inta uu socdo ka bixitaanka Ciidankan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6528 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: