Advertisements
Wararka

Dhaq dhaqaaq ciidan ayaa ka socda deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose…


Dhaq dhaqaaq Ciidan ayaa ka socda deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose, kaasi oo ay wadaan Ciidamada Militariga Somaliya.

Ciidanka Militariga ayaa wixii ka dambeeyay markii ay qabsadeen deegaanka Bariire oo Shabaab ay kala wareegeen waxa ay wadeen abaabul & dhaq dhaqaaq ku aadan inay horay usii socdaan.

Wararka laga helaayo Shabellaha hoose, ayaa sheegaya in Ciidamada Xoogga dalka Somaliya ay saaka dhaq dhaqaaq ka wadaan dhulka beeraha ah ee u dhaxeeya Bariire & No.50.

Dhulkaasi ayaa la sheegay inay ka baadigoobayaan xubno ka tirsan Shabaab, sidoo kalena wadada laamiga ah ay ka saarayaan Miinooyin Shabaab ay galiyeen.

Taliyaha Ciidamada Lugta Jeneraal Odawaa Yuusuf Raagge, ayaa Warbaahinta u sheegay Ciidamada Xoogga dalka Somaliya inay sii socon doonaan illaa ay ka gaari doonaan deegaanada fog ee Shabaab ay joogaan.

Ciidamada Xoogga dalka Somalia ayaa garab Militari oo buuxa ka helaya Ciidamada Amisom ee hawlgalka u jooga Somalia.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6528 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: