Advertisements
Wararka

Manchester City oo si xarago leh ugu guuleysatay horyaalka Premier League 2018-19…


Manchester City ayaa ku guuleysatay Premier League Ingariiska ee kubada cagta 2018-19, ka dib markii ay 4-1 ku garaacday Brighton wareega 38aad ee ugu dambeeyey tartanka horyaalka.

City ayaa rasiidkeeda gaaray 98 dhibcood, iyadoo xafidatay hogaaminta horyaalka Premier League oo hal dhibac ku qaaday koobka, halka Liverpool ku dhameysatay 97 dhibcood.

Brighton ayaa ku hor martay goolka daqiiqadii 27aad ee qeybtii hore, laakin iyagoo weliba dhameysan hambalyadii goolka oo hal daqiiqo ka soo wareegtay waxaa bareejeeyey Sergio Aguero.

Waxaa goolka labaad raacsaday Aymeric Laporte oo City ka tirsan daqiiqadii 38aad, halka Riyad Mahrez dhaliyey goolkii eddaxaad, waxaa khatimay Ilkay Gundogan daqiiqadii 72aad.

Tani waa markii lixaad oo Manchester City loo caleemo saaro English Premier League, waa xilli ciyaareedkii labaad oo isku xiga oo koobka ku guuleystaan, waxay noqoneysaa kooxdii labaad ee raacda jidkii Manchester United oo seddax xilli isku xiga ku guuleysatay koobkan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6959 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: