Advertisements
Wararka

Qaar ka mid ah raggii u geystay kufsiga iyo dilka Caa’isha Ilyaas oo dil lagu xukumay…


Iyadoo muddooyinkii dambe Maxkamadda Darajada Koowaad ee Magaalada Garowe ay waday dhageysiga rag loo haystay kiiska la xiriira Caa’isha Ilyaas Aadan oo lagu kufsaday Gaalkacyo, sidoo kalena la dilay ayaa ugu dambeyn maxkamadda maanta waxa ay soo saartay xukunka ragga arrintaasi lagu eedeynaayo.

Ragga kiiska Caa’isha Ilyaas u xirnaa waxa ay gaarayeen illaa 10 rag, balse maxkamadda ayaa saddex ka mid ah ku riday xukun dil toogasho ah, halka todobada kalena maxkamadda ay sii daysay.

3 Eedaysane ee kala ah Cabdifataax Cabdirahman Warsame, Cabdisalaan Cabdirahman Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige ayaa maxkamadda waxa ay ku xukuntay dil toogasho ah.

Xukunka maxkamadda ayaa waxaa ku dhawaaqay Gudoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee Magaalada Garowe Shiikh Cabdinuur, kaasi oo sheegay in xukunsanayaasha racfaan ay ka qaadan karaan xukunka maxkamadda ay ku riday.

Shacabka Somaliyed ayaa si wayn indhaha ugu haayay nooca uu noqon doono xukunka ragga loo haysto falka Caa’isha, balse dadka qaarkood & ehelada Caa’isha ayaa si wayn u soo dhaweeyay xukunkaan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7159 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: