Advertisements
Wararka

Ciidamada ammaanka oo ka kaxeystay maqaayad ku taallo Boondheere labo shaqsi oo lagu…


Ciidamada ammaanka dowladda Federalka Somalia ayaa la sheegay maqaayad ku taallo Degmada Boondheere inay xalay ka kaxeysteen shaqsiyaad la tuhmaayo.

Maqaayadan ayaa dhowr mar waxaa horteeda ka dhacay dilal qorsheysan oo loo gaystay shaqsiyaad kala duwan, waxaana dilkii ugu dambeeyay loogu gaystay Cali Maxamed oo ka mid ahaa Shaqaalaha Wasaaradda amniga.

Ciidamada oo haysta macluumaad ayaa la sheegay inay gudaha xalay u galeen maqaayada, kadibna dadkii fadhiyay ay u sheegeen inay isdajiyaan oo aaneyn jirin xaalad qal qal ah.

Ciidanka ayaa la sheegay in si nabadgelyo ku jirto halkaasi uga kaxeysteen laba ruux oo si wayn loo tuhmaayo inay raad ku leeyihiin dilalka ka hor dhacay maqaayadaasi.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay baaris sharci ah in la marsiin doono dadkaasi, haddii ay ku cadaato falka loo soo xiray & haddii kale.

Maqaayadda raggaan laga soo qabtay ayaa la sheegay illaa afar ruux horteeda siyaabo kala duwan in loogu dilay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6528 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: