Advertisements
Wararka

Imtixaankii mideysnaa ee shahaadiga oo la joojiyey, su’aalaha oo dibada loo dusiyey awgeed…


Wasiirka Waxbarashada Soomaali C/llaahi Goodax Barre, ayaa Caawa ku dhawaaqay in la joojiyay Imtixaankii mideysnaa ee maalmahan ay qaadeysay Xukuumada Soomaaliya.

Wasiir Goodax waxa uu qiray in la musuq maasuqay Imtixaanka, iyadoo suuqyada Muqdisho iyo gobolada kale ee dalka lagu kala iibsanayay Su’aalaha maadooyinka dhowrkii maalin ee u danbeysay, balse Xukuumada Caawa arintaa ku soo baraarugtay.

Waxa uu sheegay in la baabi’iyay Lixdii maado ee la kala galay maalmihii Sabtida, Axada iyo Isniinta maanta ah, wuxuuna carabka ku dhuftay in Imtixaanka Shahaadiga ee fasalka ugu danbeeya Dugsiga Sare la galayo 27-ka bishan May.

Mr. Gooodax ayaa sheegay in qof kamid ah dadkii arrimaha Imtixaanka kala shaqeynayay Wasaarada uu bixiyay Su’aalaha, isagoo su’aal iska weydiiyay sida uu qof Sooman bishan Ramadaan uu arintaas ugu dhiiran karo.

Ugu danbeyn, Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo eedeyn culus kala dul dhacay Ardeyda iyo Waalidiinta Soomaaliyeed, ayaa ku hanjabay in baraha bulshada la joojin doono todobaadka uu socdo Imtixaanka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6528 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: