Advertisements
Wararka

Iyad el Baqdadi oo dowlada Norway ka codsaday in ay sugto amniga qoyskiisa…


Iyad el-Baqdadi oo ah nin u ololeeya dhanka dimuquraadiyada si xooganna u dhaleecaya siyaasada dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa ka codsaday dowlada Norway in ay sugto amniga Qoyskiisa.

Ninkaan oo u dhashay dalka Falastiin ayaa bishii la soo dhaafay meel amaan ah waxaa geeyay ciidanka amniga Norway kadib markii cabsi dhanka amniga ah ay ka soo wajahday dowlada Sacuudiga.

Al-Baqdaadi oo ah qoraa dhanka Internet-ka ayaa qeyb ka ahaa dibadbaxyo lagu riday dowlado badan oo dalalka carabta tan iyo sanadkii 2011-kii waxaana uu wax ku qoraa luuqada Ingariiska.

Kadib shir jaraa,id uu maanta ku qabtay caasimada Oslo ee dalka Norway ayaa waxuu yiri qoyskeyga waxay u nugul yihiin in la beegsado waan idin baryayaa fadlan suga amniga Qoyskeyga.

25-tii bishii April ayay aheyd markii ciidanka amniga Norway ay gurigiisa ugu tageen el-Baqdaadi una sheegeen in uu halis ku jiro in la beegsado hadii aan la xoojin Amnigiisa.

Si kastaba ha ahaatee Iyaad Al-Baqdaadi ayaa saaxiib dhow la ahaa wariye Jamaal Khashoggi oo sideed bil ka hor lagu dilay magaalada caasimada ah ee Istanbul.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6528 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: