Advertisements
Wararka

M/weynihii hore Sudan Al-Bashiir oo lagu eedeeyey dilka dibadbaxayaal ka soo horjeeday…


Madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Xassan Al-Bashiir ayaa loo maxkamadeeyay dilka dibadbaxayaal ka soo horjeeday oo ka dhacay dalkaasi kuwaasi oo soo afjaray mudo 30 sano ah uu xilka Hayay.

Maxkamadeyntan ayaa imaanaysa iyadoo Isniinta maanta ah gudiga qaran ee milatariga iyo madaxda dibadbaxayaasha ay dib u bilaabeen wareegii labaad ee wadahadalka lagu dalbanayo in milatariga ay xilka ku wareejiyaan dowlad Rayid Ah.

Cumar xasan Al-Bashiir iyo saraakiil kale oo lala maxkamadeeyay maanta ayaa dacwad oogayaasha Sudan sheegtay in ay mas’uul ka ahaayeen dilka dad dibadbax Dhigayay.

Bilowgii bishaan ayay aheyd markii waaxda dacwad soo oogida guud ay amartay in loo maxkamadeeyo danbiyo ay ka mid yihiin madaxweynihii hore dhaqida lacagaha iyo maalgalinta kooxaha Argagixisada.

Dadka la dilay ayaa waxaa ka mid ahaa Babiker Cabdul Xamiid oo ahaa dhaqtar 25 jir ah oo ciidanka amniga dileen xilli uu isku dayay in uu caawiyo ruux banaanbaxa ku Dhaawacmay.

Banaanbaxa xilka looga tuuray hogaamiyihii hore ee Suudaan ayaa waxaa ku dhintay 49 qof tan iyo dabayaaqadii sanadkii Hore, inkastoo la isku khilaafsan yahay tirada dhimashada.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7159 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: