Advertisements
Wararka

Maamulada Puntland, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed oo soo saaray war murtiyeed…


Madaxda Maamulada Puntland, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle oo xalay shir gaar ah ku yeeshay magaalada Garowe ayaa ku dhawaaqay iskaashi iyo xiriir dhex mara, iyagoo soo saaray war murtiyeed wadajir ah.

Iskaashiga cusub ee dhex maraya saddexda maamul goboleed ayaa ku soo aaday, markii uu fashilmay Shirkii Wadatashiga ee u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

War murtiyeed ka kooban illaa 7 qodob ayay soo saareen Maamuladan saddexda ah, iyadoo si wadajir ah u taageeray War murtiyeedkii Wasiirada Maaliyadda dowlad goboleedyada kaga soo horjeesteen Xeerka Canshuuraha dalka ee uu Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Horgeeyay Baarlamaanka.

shir iskaashi.jpg

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6959 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: