Advertisements
Wararka

Weeraro khasaare geystay oo lagu bartilmaansaday Muslimiinta dalka Sri Lanka…


Dowlada Sri Lanka ayaa bandow xiliga habeenkii ah ku soo rogtay guud ahaan dalkaasi, saraakiil la hadashay wakaalada wararka ee AFP ayaa sheegay in bandowgaan looga gol leeyahay sidii looga hortagi lahaa isku dhacyo dhexmara Muslimiinta iyo Masiixiyiinta Sri Lanka.

Meelaha sida goonida ah uu Bandowgaan u saameyn doono ayaa waxaa ka mid ah degmooyinka Puttalam, Kurunegala iyo degmada Gamphala oo u dhow magaalada caasimada ah ee Colombo.

Muslimiinta ku nool gobolka waqooyi galbeed ayaa sheegay in masaajido iyo xarumo ganacsi oo ku yaal aagaasi labadii maalin ee la soo dhaafay ay weeraro qasaare hantiyadeed dhaliyay ay ka geesteen koox Masiixiyiin Ah.

Nin diiday in magaciisa la sheego ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in markii weeraradaan lagu soo qaadayay masaajidada iyo xarumaha ganacsi ay ciidanka kor daawanayeen.

Wuxuu intaa raaciyay markii ay isku dayeen in ay ka fal celiyaan Booliska uu ku amrayay in guryahooda ay ku Sugnaadaan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6528 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: