Advertisements
Wararka

Dowlada Sacuudiga ayaa sheegtay in diyaarado Drones ah lagu weeraray dhuumaha saliida…


Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in dayuurado Drones ah (nooca aan duuliyaha lahayn) oo sida walxaha qarxa ay maanta weerar ku qaadeen dhuumaha saliidda ee Bariga iyo galbeedka oo u qaada dekeda Yunbuc oo ah xeebaha galbeed.

Wasiirka Tamarta Sacuudiga ayaa sheegay in weerarkan oo lagu qaaday laba goobood oo saliidda laga soo saaro uusan gaysan waxyeelo badan balse uu hakad geliyey saliid soo saaristii.

Khalid Al-Falih ayaa war ay baahisay warbaahinta dowladda ku sheegay in weeraradan ay halis ku yihiin qeybinta saliida caalamka, isla markaana loo baahan yahay in laga hortago aragagixisada ka dambeysay ficilladan” oo ay ku jiraan kooxah Xuutiyiinta dalka Yemen ee Iran ay taageerto.

Talefishinta Xuutiyiinta ee Masirah ayaa sarkaal milatari ka soo xigtay in Xuutiyiinta ay weerar ku qaadeen goobo muhiim ah oo ku yaalla Sacuudiga.

Isbahaysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo iyo Xuutiyiinta ayaa muddo afar sano ah ku dagaalamaya dalka Yemen.

Weerarka maanta ayaa yimid maalin kadib markii Sacuudi Carabiya ay sheegtay in laba ka mid ah maraakiibteeda saliidda qaada ay waxyeello xooggan kasoo gaartay weerar arbushaad ah oo axaddii loogu gaystay xeebta Imaaraadka Carabta.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6528 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: