Advertisements
Wararka

Sambuuska aan jecelnahay waqtiga Ramadaanka horta asalkiisa xaguu ka soo jeedaa?…


Miiska Afurka Ramadanka badanaa kama maqna Sanbuus oo ah cajiin lagu dhex shubay khudaar ama hilib la shiiday oo lagu shiilay saliid, oo la soo bandhigo asaga oo dhadhan fiican leh.

Horta asalkiisa xaguu ka soo jeedaa?
Warbixin taarikhi ah ayaa ku soo ururisay asalka Sambuuska inuu ka soo jeedo dalka India, buug ka hadlaya safaradii Ibnu Batuuta ayaa lagu sheegay in ay u martiyeen xaakim Maxamed bin Taglaq ee India, waxaa lagu soo dhoweeyey cunto magaceeda la dhihi jiray Samosa oo ka sameysnaa cajiin laga buuxiyey hilib iyo loos oo lagu shiilay saliid.

Intii lagu jiro Hijrada Muslimiinta, noocii sambuuska ee India ayaa u gudbay gobolka Carabta, khaas ahaan Yemen, kadibna safarada xajka wuxuu u gudbay sambuuska gobolka Xijaas.

Halka geeska Afrika uu gaarsiiyey Ingriiska kadibna wuxuu ku faafay qaar ka mid ah dalalka Afrika.

Sambuuska oo mar walba la horumarinayey, hadda waxaa lagu dhex shubaa cajiinka Khudaar,Hilib shiidan, Malaay, Bataati, Hommos ama Digir iwm.

Ma ka mid tahay kuwa jecel isticmaalka Sambuuska inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadan?..

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7159 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: