Advertisements
Wararka

Diyaarada Angela Merkel oo taagneyd garoon diyaaradeed oo si kamma ah ugu dhacay gaari…


Shaqaale ka tirsan garoonka diyaaradaha ee Jarmalka oo waday gaari ayaa si qalad ah ugu dhacday diyaaradda R/wasaaraha Jarmalka Angela Merkel oo taagneyd garoonka, taasi oo rai’sul wasaaraha ku qasabtay inay dib uga dhacdo duulimaadkeeda Berlin.

Gabadhan Shaqaalaha ah ayaa waday gawaarida lagu qaado boorsooyinka kadib markii ay aragtay diyaarada Merkel oo halkaasi taagan ayey waxay damacday in ay sawir ka qaadato iyadoo gaariga fariinka gacanta u qaban, gaariga ayaa dilin dilay kuna dhacay dhinaca hore ee diyaarada, sida ay qortay wargeyska Der Spiegel.

Merkel ayaa qasab ku noqotay in ay Berlin ugu noqoto diyaarad helikopter ah, waxay halkaasi uga tagtay diyaaradeeda si farsamayaqaanada u go’aamiyaan dhibka soo gaaray diyaarada isla markaana la dayac tiro.

Wargeyska Der Spiegel ayaa tilmaamay in gabadha darawalka aheyd ay aad ugu faraxday markay aragtay calaamada “Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka” oo ku shaabadeysan diyaarada, waxay ka soo booday gaarigeeda si ay sawir uga qaadato asaga oo aan joogsan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6528 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: