Advertisements
Wararka

Golaha wasiirada ee Sacuudiga oo ansixiyey nidaamka degnaanshaha khaaska ah “الاقامة المميزة”…


Golaha wasiirada ee Sacuudi Carabiya ayaa ansixiyay nidaamka “degenaanshaha khaaska ah” “الاقامة المميزة” oo loogu talagalay ajaaniibta, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee rasmiga ah.

Wakaalada ayaa cadeysay in la diyaarin doono xarun gaar ah oo lagu diyaariyo nidaamka fulinta iyo shuruudaha si loo go’aamiyo shuruudaha iyo nidaamyada lagu dalbanayo degenaanshahan.

Nidaamka “khaaska ah ee degenaashaha” wuxuu fursad u siinayaa ajaaniibta in ay helaan waxyaabo fara badan oo ayna hadda heysan, nidaamka ayaa kala noqon doona degenaansho sanad ah oo la cusbooneysiiyo iyo degenaansho aan xadidneyn, sida wakaalada sheegtay.

Waxaa lagu soo waramayaa in ay hadda ka shaqeeyaan Sacuudiga 10 milyan oo ajaaniib ah oo ay ku joogaan nidaamka kafaalada taasi oo u qasbeysay in ay u shaqeeyaan kafiilkooda oo keliya, waxay ku qasbanaayeen in ay qaataan haday doonayaan in ay waddanka ka baxayaan ka bixid soo noqosho laheyn ama mid la soo noqonayo, micnaheeda waxay weeye in qofka intuu baasaboorkiisa qaato iska bixi karin.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7159 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: