Advertisements
Wararka

Taliyaha Booliska ayaa sheegay inay xireen qof lagu tuhmayo inuu bixiyey imtixaanka…


Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed General Bashiir Cabdi Maxamed ayaa shaaciyay in Ciidanka Booliska ay xireen mid kamid ah shaqaalaha wasaarada Waxbarashada dowlada federalka kaasoo lagu tuhmayo inuu ka dambeeyay bixitaankii imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada sare ee dalka.

Ninkan loo haysto bixinta imtixaanka ayaa magaciisa lagu sheegay Jamaaludiin Xasan Xirsi oo 29 sano jir ah ayaa la sheegay in sharciga la horkeeni doono. Hase yeeshee wax faahfaahin ah lagama bixin qeybta uu ka shaqeynayay shaqsigan loo haysto bixinta imtixaanka.

Taliyaha ciidamada Booliska ayaa sidoo kale sheegay in Ciidanka Booliska ay baaritaano ku wadaan dad kale oo lala xiriirinayo inay ku lug leeyihiin fashilkii ku yimid imtixaanka.

Wasaarada Waxbarashada dowlada federalka ayaa dhowaan ku dhowaqday inay baabi’isay imtixaankii dugsiyada sare kadib markii la xaday,iyadoo wasaaradu ay sheegtay in dhamaadka bishan la qaadi doono imtixaan ku celis ah.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6528 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: