Advertisements
Wararka

Ciidamada ammaanka oo gacanta ku soo dhigay ruux gaari ku xiray waxyaabaha qaraxa…


Wararka aan ka helayno wadada Maka Al- Mukarama ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay qarax gaari lagu xiray.

Gaariga ayaa yaalay meel ku dhaw Shaleemo Somaliya, waxaana la sheegay in shaqsigii Qaraxa ku xiraayay la arkay oo Carruurta gaadiidka halkaasi ku dhaqda ay arkeen kadibna ay u qaylo dhaamiyeen Ciidamada ammaanka.

Waxaa suuragashay in Ciidamada ammaanka ay gacanta ku soo dhigaan ruuxii gaariga qaraxa ku xiray, sidaasina Booliska ay ku qabteen.

Iyadoo gacanta lagu haayo shaqsigii gaariga qaraxa ku xiray, ayaa la sheegay in gaariga uu qarxay, mana jirin wax khasaare ah oo ka dhashay qaraxaasi gaariga ee ka dhacay wadada Maka Al- Mukarama.

Booliska ayaa xarunta dambi baarista ee C.I.D u kaxeeyay shaqsigii la qabtay ee lagu arkay isaga oo qaraxa gaariga ku xiraayo.

Muqdisho ayaa maanta kaliya waxaa ka dhacay laba dhacdo oo kala ah nin Shabaab ah oo Isgoyska Bakaare lagu toogtay & ruux gaari qarax ku xiray oo Ciidamada ay qabteen.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6959 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: