Advertisements
Wararka

Ciidamada ammaanka oo nin ku dilay Bakaaraha kaasoo la sheegay inuu yahay Shabaab…


Wararka laga helayo Isgoyska Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamada ammaanka halkaasi ay ku dileen nin watay Mooto Fekon oo la sheegay inuu Shabaab yahay.

Ninkaan ayaa waxa ay wada socdeen ruux kale waxaana ay rasaas ku fureen Ciidamada ammaanka ee ku sugan Isgoyska Bakaaraha, taasi oo keentay in Ciidamada dhankooda ay ka jawaabaan rasaastaasi.

Ninkii waday Mooto Fekonta ayaa la sheegay in Ciidamada ay dileen, halka sidoo kalena uu baxsaday ruuxii kale ee la socday, waxaana wararka ay sheegayaan in Ciidamada ay gacanta ku hayaan Bistoolad uu watay shaqsiga Mootada waday.

Rasaasta dableydan askarta ay ku fureen waxa ay sababtay dhaawaca askari ka tirsan Ciidamada Booliska oo goobta ku sugnaa.

Saraakiisha Ciidamada dowladda ayaa sheegay in ninka la dilay uu yahay Shabaab, halka Ciidanka ay ku raad joogaan shaqsiga kale ee baxsaday.

Goobta ay wax ka dhaceen ayaa waxaa xiray Ciidamada dowladda Federalka Somaliya.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6959 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: