Advertisements
Wararka

Dowlada Mareykanka oo xiriirkii ganacsiga ee gaarka ahaa ka joojisay Turkiga…


Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in hadda wixii ka dambeeya Turkigu ahaan doonin dal xiriir ganacsi oo gaara uu la yeesho Maraykanku.

Go’aanka waxa lagaga dhawaaqay Aqalka Cad wuxuuna si dhakhso ah u dhaqan galayaa maanta oo Jimce ah.

Taas macnaheedu waxay tahay in Turkigu uusan hadda ka dib badeecado bilaa cashuur ah u dhoofin doonin Maraykanka.

Madaxweyne Trump ayaa waxaa ku furan dhowr furimood oo dagaal ganacsi ah, balse handaaddiisa ayuu haatan ku jeediyey dalka Turkiga.

Wuxuuna saxiixay amar ay tahay in la fuliyo oo uu ku sheegay in heerka maciishadda ee dalku uu yahay mid aad u wanaagsan, taas oo macnaheedu tahay in caawinaad dheeri ah aan loo baahnayn.

Isla markaasna waxaa 25% hoos loo dhigay canshuurtii saarnayd badeecooyinka birta ee Turkiga taas oo la kordhiyay sannadkii hore ka dib markii xiisad dublumaasiyadeed ay ka dhex aloosantay labadan dal ee ka wada tirsan isbahaysiga Nato.

Badeecooyin qiima ahaan kudhow 1.7-da bilyan ee dollar ayaa ilaa iyo hadda laga daayay canshuurta sababo la xiriira heshiiska ganacsi ee dhow ee labadaas dal ay leeyihiin, balse dhaqaalaha Turkiga ee cagaha badan aan ku taagnayn ayaa waxyeelo wayni kasoo gaartay cadaadiska uu Maraykanku saaray.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6528 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: