Advertisements
Wararka

Maxkamada sare ee Kenya oo ku xukuntay Moi inuu bixiyo ku dhowaad 10 milyan dollar…

Kenya's President Daniel Arap Moi, addressing the Nation at Nyayo National Stadium during the Moi Day celebrations, Wednesday, October 10, 2001. President Moi assumed the reigns of power 23 years ago. (AP Photo/Khalil Senosi)

Sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha, Maxkamadda sare ee Kenya ayaa ku xukuntay in Madaxweynihii hore Daniel arap Moi uu bixiyo ku dhawaad 10 milyan oo doollar isagoo siinaya qoys uu si sharci darro ah ugala wareegay dhul muddo haatan laga joogo 36 sano.

Wargeyska Daily Nation ayaa sheegay in 21 Sebtembar 1983 uu Madaxweynahan hore amray in saraakiishu ay magaciisa ku diiwaan galiyaan dhul uu lahaa nin lagu magacaabo Noah Kipngeny Chelugui, iyadoo Moi uu 24 sano ka dib dhulkaas ka sii iibiyay qoyska Jaswant Rai.

Xaakimkii Maxkamaddu ayaa sheegay in dhulka loola wareegay si sharci darro ah isla markaasna aysan u qalmin in dastuurka uu difaaco dhulkaas.

Xukunkan waxaa ridday Maxkamadda sare ee Eldoret, waxayna sheegtay in ficilka madaxweynuhu uu sharci darro ahaa waxayna amartay in madaxweynihii hore iyo shirkadda Rai Plywood oo lala xiriiriyay qoyska Rai inay qoyska Chelugui siiyaan lacag ku dhaw 10 milyan oo doollar oo lagu sheegay qiimaha uu dhulkaasi hadda joogo.

Xaaska ninkii dhulkan lahaan jiray oo 85 jir ah iyo wiil uu dhalay ayaa dacweeyay Moi, iyagoo ku eedeeyey in xiligii uu madaxweynaha ahaa uu si awood sheegasho ah ugala wareegay dhulkoodii.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6942 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: