Advertisements
Wararka

Ma laga yaabaa in Manchester City ku guuleysto seddax koob hal xilli ciyaareed?…


Manchester City ayaa raadineysa in ay sameyso guul taariikhi ah si ay u hanato seddax koob oo hal xilli ciyaareed, kadib markii ay maanta ay kulanto kooxda Watford finalka koobka FA cup-ka Ingariiska oo lagu qaban doono Garoonka Wembley ee London.

Manchester City oo hogaanka u haya Pep Guardiola ayaa ku guuleystay horyaalka Premier League markii labaad oo isku xigta.

Manchester City ayaa noqon doonta kooxdii ugu horeysay ee ku guuleysato seddexda koob oo maxali ah hadii ay garaacaan Watford, ciyaartaasi oo bilaaban doonta 5ta galabnimo ee GMT.

Hadii Watford ay guuleysato oo haatan horyaalka Premier League ku dhameysatay kaalinta 11aad, waxay u noqoneyaa koobkii ugu horeeyey ee FA oo ay ku guuleystaan taariikhdooda, taasi waxay u fududeyn doontaa in ay ciyaaraan kulamada Europe League ee xilli ciyaareedka soo aadan.

Haday Watford Guuleysato Waxay sidoo kale noqon doontaa naxdintii ugu weyneyd ee ciyaarta finalka FA cup-ka tan iyo markii ay Wigan kaga adkaatay City 1-0 sannadkii 2013.

Ma jirto koox horey ugu guuleysatay seddax koob maxali ah hal xilli ciyaareed oo keliya . Kooxda gabdhaha ee Arsenal ayaa gaaray heerkaasi.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6739 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: