Advertisements
Wararka

Nin cunsuri Mareykan ah oo bistoolad ula soo baxay dhaalinyaro soomaali ah oo la xukumay…


Maxkamad ku taal gobolkaasi Minnesota ayaa 45 casho oo shaqo bilaash ah iyo ganaax lacageed oo dhan 500 dollar ku xukuntay nin caddaan cunsuri ahaa kaas oo bastoolad ula soo baxay dhallinyaro soomaaliyeed oo ku dhex jirtay maqaayad McDonalds oo ku taal magaalada Minneapolis dhammaadkii sano hore.

Ninkan oo lagu magacaabo Lloyd Edward Johnson ayay dhallinyartu is af dhaafeen kadib markii uu erayo cunsuriyad ku dheehantahay uu ku riday, waxaana markii ay dhallinyartu ka falcelisay uu ula soo baxay bastoolad.

Booliska oo loo wacay ayaa waxaa ay qabteen ninkan, waxaana ay ka heleen bastoolad ay khasnadeedu buuxdo islamarkaana ay ku jirto 10 xabadood.

Maxkamadda ayaa waxaa ay sidoo kale ku xukuntay ninkan in uu soo wareejiyo dhammaan hubka uu haysto iyo in uu tago dhakhtar dhanka dhimirka ah si loo qiimeeyo caafimaadkiisa maskaxeed.

Mr. Lloyd Edward Johnson ayaa maxkamadda dhexdeeda ka qirtay in uu fal khaldan uu ku kacay, waxaana uu arrinkaasi u aaneeyay gaajo haysay darteed.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6942 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: