Advertisements
Wararka

Riyadii Manchester City oo u rumowday kadib markii ay qaadeen koobka FA cup-ka ingariiska…


Raheem Sterling ayaa dhaliyay seddex gool oo kooxdiisa Manchester City ku hogaamiyey in ay ku durduriyaan kooxda Watford, waxay uga badiyeen 6-0 finalka koobka FA cup-ka Ingariiska ee Kubada cagta maanta oo Sabti ah, waxay Man City noqotay kooxdii ugu horeysay ee qaada seddax koob oo maxali ah.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu nastay 2-0 oo ay kala dhaliyeen David Silva iyo Sterling

Kevin de Bruin oo bedel ku soo galay ayaa dhaliyey goolkii seddaxaad daqiiqadii 61aad, waxaa kan afraad raacsaday Gabriel Jesus iyo kan shanaad oo dhaliyey Sterling, markii ciyaarta ka harsaneyd dhowr daqiiqo wuxuu dhaliyey goolka lixaad.

Raheem Sterling ayaa sidaasi ku noqonayaa laacibkii ugu horeeyey ee seddax gool dhaliya ciyaarta kama dambeysta ee FA cup-ka tan iyo Stan Mortensen ee sanadkii 1953.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6739 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: