Advertisements
Wararka

Holland oo ku guuleysatay tartankii heesaha ee Eurovision oo lagu qabtay dalka Israel…


Duncan Laurence ayaa wadankiisa Holland u soo hoyey guusha tartanka heesaha ee Yurub Eurovision oo sanadkan lagu qabtay dalka Israel magaalada Tel Aviv, Holland ayaa ka qataneyd 44 sano in ay ku guuleysato tartankan, ugu dambeyn 26 dal ayaa isugu soo haray tartanka finalka oo xalay Sabti aheyd lagu kala baxay.

“Ma aqaan waxan iraahdo, run ahaantii ma aqaani” ayuu yiri Laurence asaga oo dareen xoog badan ka muuqda.

Heeskan ayaa markiisa horeba dadka heesaha wax ka qora ku tilmaamay in ay u arkaan inuu dadka soo jiidan doono.

Laurence oo matalayey Holland wuxuu helay 492 dhibcood, waxaana ku soo xigay Talyaaniga oo helay 465 dhibcood halka Ruushka galay kaalinta seddaxaad oo helay 369 dhibcood, Duncan oo 25 jir ah asaga ayaa qoray heestan oo magaceeda ah “Arcade” iyadoo caawinaad ka helay Wouter Hardy iyo Joel Sjoo.

Kooxdii Hollandeeska ee ka horeeyey ee ku guuleysta abaalmarintan oo la oran jiray Teach-in ayaa ku guuleystay heestooda Ding -a-dong sanadkii 1975 magaalada Stockholm dalka Sweden. Eurovision ayaa sanadka soo socda lagu qaban doonaa dalka Holland.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7359 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: