Advertisements
Wararka

Kabtanka kooxda Manchester City Vincent Kompany oo isaga tagaya kooxda…


Kabtanka kooxda Manchester City ee Kubada cagta Vincent Kompany ayaa sheegay in ciyaartii shalay oo ay koobka FA ku qaadeen ay aheyd tii ugu dambeysa oo uu la safto kooxda.

Kabtankan reer Belgium Kompany ayaa u soo wareegay muddo 11 sano laga jooga kooxda Manchester City, wuxuu kooxda la qaaday afar koob oo ah kan horyaalka iyo laba koob oo kan FA cup-ka oo kii ugu dambeeyey ahaa kii shalay markii ay Watford ku dhufteen 6-0.

Kompany oo 33 jir ah ayaa dhaliyey 20 gool 360 kulan oo saftay.

Waxaa sidoo kale la saadaalinayaa in ay kooxda isaga tagaan oo dalbaday sidaasi Leroy Sane, Ilkay Gundogan, Fabian Delph, Nicola Otamendi iyagoo ku andacoonaya in aynan helin waqti ku filan oo la ciyaarsiiyo. Guardiola ayaa sheegay inuusan wada ciyaarsiin karin qof walba.

Tababaraha kooxda ayaa sheegay in ay 18 bilood la daba taagan yihiin in uu heshiis cusub saxiixo Leroy Sane asaga oo ka caga jiidaya, waxaa la sheegay in kooxda Bayern Munich u gacan haatineyso.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6739 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: