Advertisements
Wararka

Maxkamada sare ee CQS oo ku raacday xukun dil ahaa oo horey u soo xukuntay darajada…


Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida ayaa ku raacday xukunkii dilka ahaa ee horay maxkamadda Darajada Koowaad ku xukuntay labo eedeysane, kuwaasoo loo heysto inay ka dambeeyeen qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Labada eedeysane ayaa racfaan ka qaatay xukunkii horay ay ugu riday Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada, iyadoo maanta ugu dambeyn ay go’aan soo saartay Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida.

Eedeysanayaasha ayaa lagu kala magacaabaa Canshuur Cusmaan Abuukar (Asad) iyo Maxamed Calio Boorow (C/xakiin), kuwaasoo horay dil toogasho lagu xukumay.

Xukunkii Maxkamadda Darajada 1-aad CQS oo ahaa DIL TOOGASHO AH, oo ah qisaasta Marxuumiintii ku geeriyooday qaraxyadii iyo weeraradii ay geysteen.” Sida uu u sheegay Warbaahinta Sarreeye Guuto Liibaan Cali Yarow guddoomiyaha Maxamadd Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7382 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: