Advertisements
Wararka

Mesut Ozil iyo gacaladiisa oo la afuray Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan…


Xiddiga asalkiisu Turkiga yahay balse heesta dhalashada dalka Jarmalka Mesut Ozil ayaa kula afuray Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan Qasriga Dolmabahce Palace ee magaalada Istanbul.

Ozil oo ay wehliso gacalisadiisa ayaa sawirro laga soo qaaday iyaga oo afur iyo casho sharaf la qaadanaya Madaxweynaha Turkiga, waxaana kulankan si weyn u hadal haya Warbaahinta Reer Galbeedka qaarkood.

Xiddigan ka fariistay ciyaaraha heerka caalami hadana u ciyaara kooxda kubada cagta ee Arsenal ayaa booqasho ku tagay dalka uu asal ahaan kasoo jeedo ee Turkiga, waxa uuna casho iyo kulamo gaar ah la qaatay Madaxweyne Erdogan oo taageero u ah xiddigan.

Ozil-Erdogan.jpg

Mesut Ozil ayaa sanadkii hore si weyn loogu dhaleeceeyay kulan uu la qaatay Madaxweynaha Turkiga , waxa ayna arintaasi keentay in xiddiga uu ka niyad jabo u ciyaarista xulka Qaranka Jarmalka oo fadeexo kala soo kulmay koobkii adduunka.

Ciyaaryahanka caanka ah ayaa sidoo kale dhawaan Warbaahinta shaaciyeen in Madaxweynaha Turkiga ku martiqaaday in uu kasoo geyb galo xaflada arooskiisa oo lagu wado in dhawaan dhacdo.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6739 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: