Advertisements
Wararka

Suuqa kala iibsiga ee xagaaga oo shidan oo laacibiin badan ku kala wareegi doona…


Kooxaha waaweyn ee kubada cagta ee Yurub oo si weyn isugu diyaarinaya hardanka lagu kala jiidanayo 14 laacib oo si cad ama si maldahan u sheegay inay kooxahooda ka tagayaan marka uu furmo suuqa kala iibsiga ee xagaaga. Waxaa kaloo jira kuwa kale oo aan ku faraxsaneyn kooxahooda oo laga yaabo in ay liiskan ku soo biiraan.

Qiimaha lacagta ee suuqa dhex taallo ayaa ka badan hal bilyan oo dollar oo la rabo in lagu kala iibsado ciyaartooy miisaankoodu culus yahay.

14ka ciyaaryahay ayaa qiimahooda suuqa kala ah sida soo socota:

Xiddiga reer France Paul Pogba (Manchester United) qiimahiisa suuqa 171 milyan euro, waxaa doonaya adeegiia Real Madrid iyo Barcelona.

Xiddiga reer Belgium Eden Hazzard (Chelsea) qiimahiisa suuqa 114 milyan euro, waxaa dooneysa Real Madrid.

Xiddiga reer Brazil Philippe Coutinho (Barcelona) qiimahiisa suuqa 114 milyan oo euros, waxaa doonaya adeegiisa Chelsea iyo Manchester United.

Xiddiga Wales Gareth Bale (Real) Qiimahiisa suuqa 91 milyan euro, waxaa doonaya adeegiisa Manchester United iyo Tottenham.

Xiddiga reer Holland Matthijs de Ligt (Ajax) qiimahiisa suuqa 68 milyan oo euros, waxaa doonaya adeegiisa Barcelona, Man United iyo Liverpool.

Xiddiga reer France Antoine Griezmann (Atletico Madrid) qiimahiisa suuqa 120 milyan euros, waxaa doonaya adeegiisa Barcelona iyo Paris Saint Germain.

Xiddiga reer Spain Rodri (Atletico Madrid) qiimaha suuqa 68 milyan oo euros, waxaa doonaya adeegiisa Manchester United.

Xiddiga reer Denmark Christian Eriksson (Tottenham Hotspur) qiimaha suuqa 125 milyan euro, waxaa doonaya adeegiisa Real Madrid.

Xiddiga Argentina Paulo Dybala (Juventus) qiimaha suuqa 91 milyan oo euros, waxaa doonaya adeegiisa Atletico Madrid, Manchester United iyo Inter Milan.

Xiddiga reer Germany Leroy Sane (Manchester City) Qiimaha suuqa 125 milyan euro, waxaa dooneysa Bayern Munich.

Xiddiga reer Belgium Romelu Lukaku (Man United) qiimaha suuqa 103 milyan oo euros, waxaa doonaya adeegiisa Juventus iyo Inter Milan.

Xiddiga Ivory Coast Wilfried Zaha (Crystal Palace) qiimaha suuqa 86 milyan oo euros,waxaa doonaya adeegiisa Arsenal, Tottenham iyo Dortmund.

Xiddiga Ivory Coast Nicolas Pepe (Lille) qiimaha suuqa 69 milyan oo euros, waxaa doonaya adeegiisa Man United, Real iyo Liverpool.

Xiddiga Ingriiska Aaron Wan-Pisca (Crystal Palace) qiimaha suuqa 51 milyan euro, waxaa doonaya adeegiisa Manchester United.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6739 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: