Advertisements
Wararka

Diyaarada AFRICAN oo shalay galab ka baxday Muqdisho oo ku xayiran garoonka Wajeer…


Warar ayaa sheegaya in Diyaaradda AFRICAN oo shalay galab ka dhooftay Muqdisho ay  ku xayiran tahay garoonka diyaaradaha Wajer ee Gobolka waqooyi Bari Kenya.

Sida wararku sheegayaan diyaaradan oo ay saaran yihiin dad ku dhow Boqol ruux ayaa abaarihii Maqribkii ka degtay garoonka Wajer oo sida caadi ah ay maalmahan marayeen Diyaaradaha ka baxa Muqdisho, si halkaas loogu sii baaro, ka hor inta aysan Nairobi ka degin.

Diyaaraddan ayaa la sheegay inay ku daahday Garoonka Wajeer intii baaritaanka lagu hayay, waxaana lagu wargeliyay in aanay xilli habeen ka duuli karin Garoonka Wajeer oo aanan la ogoleyn in Garoonkaas xilli habeen diyaarad ka kacdo, sidaasna uu duulimaadkooda Nairobi uu dib ugu dhacay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Diyaaradda ay saaran yihiin xubno ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo isugu jira rag Xildhibaano iyo Wasiiru dowle, inkastoo aanan inoo suura gelin inaan helno magacyadooda.

Dowladda Kenya ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday cadaadis dhanka safarka ah oo ay saartay xubnaha ka tirsan dowladda Federaalka, iyadoo dhammaan duulimaadyadii tooska ee Muqdisho iyo Nairobi lagu soo rogay amar ah inay ku hakadaan Garoonka Wajeer.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6739 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: