Advertisements
Wararka

Dagaalyahano hubeysan oo sideed askari oo Masaari ah ku dilay gobolka Siinaay…


Dagaalyahano hubeysan ayaa sideed askari oo ka tirsan ciidanka amniga Masar ku dilay bar koontarool oo ku taal gobolka Siinaay, sida ay sheegtay wasaarada Amniga Gudaha.

Kooxaha Argagixisada ayaa beegsaday koontaroolka ciidanka ee galbeedka Al Caarish aroornimadii hore ee Arbacada halkaasi oo ay ku dileen 8 askari oo Booliska ka Tirsan.

War saxaafadeedka ka soo baxay dowlada ayaa dhanka kale lagu xaqiijiyay in dagaalyahanada ay ka baxsadeen goobta, balse lagu raad Joogo.

Sideeda askari ee la dilay sadex kale oo ku dhaawacmay is rasaaseynta ayaa la dhigay isbitaalka dhexe ee degmada Al- Caarish.

Arintaan ayaa dhanka kale waxaa AFP u xaqiijiyay xubno ka mid ah shaqaalaha Caafimaadka.

Tv-ga dowlada Masar ayaa tabiyay in dhimashada askarta ay kordhi karto maadaama laba mar ay ku soo rogaal celiyeen dagaalyahanada.

Weerarkaan ayaa imaanaya iyadoo loo dabaal degayo ciida soonfureed.

Ilaa iyo hada ma jirto koox sheegatay weerarka Arbacada maanta ah ka dhacay gobolka Siinaay ee dalka Masar.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6739 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: