Advertisements
Wararka

Dowlada Somalia oo si adag u beenisay Warbixin uu qoray wargeyska Standard ee Kenya…


Dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid warbixin uu wargeys ka soo baxa Kenya uga hadlay deegaannadii laga sahmiyay shidaal inay dowladda Soomaaliya ku soo darsatay deegaanno ka tirsan Kenya.

Wargeyska warkan qorey ee Standard ayaa warbixintiisa cinwaan uga dhigay:

‘Soomaaliya oo iibinaysa saliidda Lamu’ iyadoo marka uu wargeyska sheegay inuu arkay Dukumiinti magaciisu yahay ‘Offshore Somalia 2019’ oo laga soo daayay Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka Soomaaliya oo muujinaya xirmooyin saliidda Lamu ah oo qayb ka ah kuwa ay dowladda Soomaaliya usoo bandhigtay maalgashadayaasha.

Balse, wargeyska kuma uusan soo bandhigin warbixinta Dukumiintiga uu sheegay inuu arkay ee muujinaya dowladda Soomaaliya inay dhul ay leedahay Kenya ku darsatay warbixintii sahanka ee loo soo bandhigay maalgashadayaasha.

Sheegashada Kenya ee ku aaddan dowladda Soomaaliya inay warbixinteeda sahanka ku soo darsatay dhul ay leedahay Kenya, waxaa horey u beenisay Spectrum oo ah shirkaddii sameysay sahanka shidaalka Soomaaliya , waxaa kalo ay marka caddeysay shirkadda inaysan wax baaritaan ah ka sameyn aagga hadda kiiskiisu yaallo maxkamadda dambiyada caalamiga ah.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7382 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: